Dhalinyarada reer Kenya ee doonaya inay shaqooyin ka helaan dalalka dibadda ayaa looga digay inay ka feejignaadaan wakaaladaha been abuurka ah ee shaqaaleysiinta, kuwaas oo ka faa’iideysanaya baahida sii kordheysa ee shaqaale xirfad leh ee suuqyada caalamka.
Mas’uuliyiinta dowladda ayaa sheegay in dadka shaqo doonka ah ay halis ugu jiraan inay lumiyaan lacagtooda ama ay dhibbanayaal u noqdaan ka ganacsiga dadka, kadib markii ay rumaystaan xayeysiisyo aan la xaqiijin oo ballanqaadaya shaqooyin mushahar wanaagsan leh.
Agaasimaha xirfadaha iyo aqoonta ee Wasaaradda Arrimaha Qurba-joogta, Irene Karari, ayaa sheegtay in dad aan ruqsad u haysan shaqaaleysiinta ay baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, u adeegsanayaan inay dhalinyarada ku soo jiitaan fursado shaqo oo been abuur ah.
Irene Karari ayaa hadalkan ka sheegtay munaasabad lagu xusayay sannad-guuradii 10-aad ee machadka Cascade Institute of Hospitality, taasoo sidoo kale lagu daahfuray xarun cusub oo ku taalla waddada Ruiru Eastern Bypass.
Waxay dhalinyarada kula talisay inay marka hore hubiyaan sharcinimada iyo ruqsadaha wakaaladaha shaqaaleysiinta ka hor inta aysan aqbalin shaqooyin dibadda ah.
Waxay ka digtay in qaar ka mid ah dadka reer Kenya ay la kulmeen xaalado shaqo oo adag iyo ka faa’iideysi kadib markii ay la macaamileen wakiillo aan sharciyad u haysan inay dadka u qoraan shaqooyinka dibadda.
Xogta dowladda ayaa muujineysa in in ka badan 103,800 oo Kenyan ah ay shaqooyin ka heleen dalalka dibadda sannad-maaliyadeedkii 2024/2025.
Dhanka kale, lacagaha ay qurba-joogta Kenya u soo diraan dalkooda ayaa gaaray 666.7 bilyan oo shilin sannadkii 2024, halka sannadkii 2025 ay gaareen ku dhowaad 5.04 bilyan oo doollar.
Lacagahaasi ayaa door muhiim ah ka qaata taageerada qoysaska, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, guryeynta iyo ganacsiga.
Home Wararka Kenya Dowladda kenya oo dhalinyarada uga digtay shaqo-ballanqaadyada beenta ah ee dibadda




