Booliiska Nanyuki oo xiray saddex ruux oo loo haysto dhaca Baabuurta

0
98

Dembi-baarayaasha booliiska magaalada Nanyuki ee ismaamulka Laikipia ayaa xiray saddex qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin shabakad ku lug leh xatooyada gaadiidka, waxaana laga soo furtay gaari noociisu yahay Toyota Probox.
Booliiska ayaa sheegay in saddexda qof lagu qabtay xarunta Naiberi Centre, xilli ay gaarigaasi oo la rumeysan yahay in loo waday dalka Uganda.
Gaariga Toyota Probox oo lahaa taarikada KBP 492F ayaa la sheegay in laga xaday magaalada Nanyuki habeenkii u dhexeeyay 3-dii iyo 4-tii bishan Nofeembar 2026.
Dadka la qabtay ayaa lagu kala magacaabaa John Nderitu oo sidoo kale loo yaqaan Charles Muriuki, Peter Machoka Nyangau iyo Gedion Mutugi.
Saddexda eedeysane ayaa hadda ku jira gacanta booliiska, waxaana la filayaa in la horgeeyo maxkamadda Nanyuki, si loogu soo oogo dacwad la xiriirta xatooyada gaadiidka.
Dhanka kale, dembi-baarayaasha ayaa wada baaritaanno dheeraad ah oo lagu doonayo in lagu ogaado laguna soo qabto xubnaha kale ee la tuhunsan yahay inay qeyb ka yihiin shabakaddan.