Ciidamada ammaanka dalka ayaa gacanta ku dhigay saddex qof, kuwaas oo lala xiriirinayo ka ganacsiga maandooriyaha, kadib howlgal wadajir ah oo laga fuliyay deegaanka Msambweni ee ismaamulka Kwale.
Booliiska qaranka ayaa sheegay in howlgalka lagu soo qabtay 454 kiiloogaraam oo maandooriye looga shakisan yahay, kaas oo qiimihiisa suuqa lagu qiyaasay 3.6 bilyan oo shilin dalka ah.
Howlgalkan ayaa ka dambeeyay xog sirdoon oo ku saabsan qof looga shakiyay ka ganacsiga maandooriyaha, kaas oo 5-tii bishan Nofeembar lagu qabtay dalka Tanzania, isaga oo watay waxyaabo looga shakisan yahay maandooriye.
Kadib markii mas’uuliyiinta Tanzania ay ku wareejiyeen booliiska Kenya barta xadka ee Lungalunga-Horohoro, baaritaanno iyo su’aalo weydiin lagu sameeyay qofkaasi ayaa horseeday in ciidamada ammaanku ay gaaraan tuulada Shirazi ee Msambweni, halkaas oo lagu tuhunsanaa inuu ku sugnaa qof kale oo lala xiriirinayo falka.
Baaritaanno dheeraad ah oo laga sameeyay tuulada Ganja La Simba ayaa lagu helay 454-ka kiiloogaraam ee maandooriyaha looga shakisan yahay, waxaana halkaasi lagu qabtay qofkii saddexaad ee lala xiriirinayo shabakadda.
Booliiska ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka lagu qabtay laba gaari iyo hal mooto.
Saddexda qof ee la tuhunsan yahay ayaa ku jira gacanta booliiska, halka maandooriyaha iyo gaadiidka la qabtay loo hayo caddeymo baaritaan.
Ciidanka Booliiska Qaranka ayaa sheegay in howlgalka uu weli socdo, isla markaana ay sii xoojinayaan wada shaqeynta hay’adaha ammaanka ee gudaha iyo kuwa dalalka deriska ah si loo burburiyo shabakadaha ka ganacsiga maandooriyaha.




