DHEGEYSO:Seddax qof oo ku dhintay Shil gaari oo ka dhacay wadada isku xirta Nairobi iyo Nakuru

0
651

3 qof ayaa ku dhintay, ugu yaraan 8 kalena way ku dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay aagga Manguo oo ku taala wadada weyn ee isku xirtaa magaalooyiinka Nairobi iyo Nakuru.
Shilkan ayaa imaanayaa iyadoo maalmo ka hore ay aagaasi ku dhinteen shan qof.
Goobjooge lagu magacaabo Patrick Macharia, ayaa ku eedeeyay daarwalkii kaxaynayay gaariga mataatuuda ah in si xowli uu ku waday baabuurka taasi oo sababtay shilka.