Trump oo sheegay inuu kala hadli doono Xi iyo Putin sidii loo soo afjari lahaa dagaalka Iiraan

0
67

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu wadahadal la yeelan doono dhiggiisa Shiinaha iyo Ruushka, Xi Jinping iyo Vladimir Putin, si looga wada hadlo soo afjaridda dagaalka Iiraan.
Trump ayaa sheegay inuu filayo inuu labada hoggaamiye kula kulmo shir-madaxeedka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Aasiya iyo Baasifigga (APEC), kaas oo toddobaadka soo socda lagu qaban doono magaalada Shenzhen ee dalka Shiinaha.
Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan ka wada hadli doonnaa arrimo badan, oo ay ku jirto joojinta hubka nukliyeerka. Laakiin arrimo kale oo badan ayaan sidoo kale ka wada hadli doonnaa. Waxaan isku dayeynaa inaan soo afjarno dagaalka Iiraan, waxaana arrintaas ka sameynaynaa horumar, sababtoo ah, sida aad ogtihiin, waxa keliya ee aan sameyneyno waa inaan gebi ahaanba go’doominno.”
Trump ayaa sheegay in howlgalka Mareykanka ee loogu magac daray Operation Iron Gate, kaas oo ujeeddadiisu tahay in la carqaladeeyo waddooyinka dhulka ee sahayda lagu geeyo Iiraan, uu hadda bilowday.
Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Aasiya iyo Baasifigga (APEC), oo la aasaasay sannadkii 1989-kii, ayaa ka kooban 21 dal oo xubna ka ah, waxaana ka mid ah Australia, Canada, Japan, Shiinaha, Ruushka iyo Mareykanka.
Hoggaamiyeyaasha dalalka xubnaha ka ah ururka ayaa sannad kasta yeesha shir-madaxeed ay kaga wada hadlaan arrimaha iskaashiga dhaqaale iyo kuwa kale ee gobolka.