Kenya oo martigelinaysa 40,000 oo Itoobiyaan ah oo ka soo cararay colaadaha ka jira xuduudda

0
88

Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in ku dhowaad 40,000 oo Itoobiyaan ah ay ka soo gudbeen xuduudda, isla markaana ay hadda ku sugan yihiin magaalada Moyale, kaddib markii xiisado colaadeed ay ka sii dareen qaybo ka mid ah dalka Itoobiya.
Isagoo ka hadlayay xaaladda taagan, Mudavadi ayaa sheegay in xiisadaha ka jira Itoobiya ay kumannaan qof ku qasbeen inay dalkooda ka soo cararaan oo ay magangalyo ka raadsadaan Kenya.
“Dhinaca Itoobiya waxaa ka jiray xiisado xoogaa ah. Arrintaas ayaa sababtay in ku dhowaad 40,000 oo qof ay guryahooda ka barakacaan oo ay Kenya u soo gudbaan,” ayuu yiri.
Mudavadi ayaa sheegay in uu arrintan kala hadlay dhiggiisa Itoobiya, isla markaana uu ka codsaday in uu soo farageliyo oo uu ka shaqeeyo dejinta xaaladda, si qoysaska barakacay ay dib ugu laabtaan guryahooda.
“Waxaan ka codsaday in uu isku dayo dejinta xaaladda dalkooda, si dadka barakacay ay dib ugu laabtaan guryahooda,” ayuu yiri.
Wuxuu intaas ku daray in dowladda Itoobiya ay Kenya u xaqiijisay in ay dadaal ugu jirto sidii xaaladda caadiga ahayd dib loogu soo celin lahaa.
Barakaca ayaa yimid kaddib dagaallo billowday bishii Oktoobar 2026, kuwaas oo salka ku haya khilaaf muddo soo jiitamayay oo u dhexeeya maamullada dowlad-deegaanka Oromia iyo Soomaalida Itoobiya, kaas oo la xiriira muranka xuduudaha dhulka iyo maamulka deegaannada.
Dagaallada ayaa sababay barakaca kumannaan qof. Qoysas badan ayaa hoy ka dhigtay dugsiyada, kaniisadaha iyo xeryo ku-meel-gaar ah, halka qaar kalena ay hoy ka heleen eheladooda iyo dadka deegaanka.