DHEGEYSO:Mucaaradka oo ka hadlay magdhowga la siinaya dhibbanayaashii dibadbaxyada

0
70

Siyaasiyiinta mucaaradka ee kala ah madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka iyo dhiggiisa DAP-K Eugene Wamalwa ayaa dalbaday in ay cadaalad dhameystiran helaan dhallinyaradii ay waxyeelladu ka soo gaartay dibadbaxyada.
Waxay sheegeen in qoysaska dhibbanayaasha aynan ku filnayn in keliya lacag magdhow ah la siiyo.
Kalonzo iyo Wamalwa oo xusay in dibadbaxyadii Khamiistii ay si wanaagsan u qabsoomeen ayaa dowladda ka dalbaday in lala xisaabtamo saraakiisha ammaanka ee lagu eedeyay in ay dileen ama ay dhaawaceen dhallinyarada ka qayb qaadanayey mudaaharaadyada.
Xilli ay maanta munaasabad kaniiseed uga qayb galeen ismaamulka Kajiado ayaa waxaa hadalladooda ka mid ahaa.