Booliska Malaba oo gacanta ku dhigay khamri sharci darro ah

0
113
Booliiska oo gubaya weel lagu farsamayn jiray khamri sharci-darro ah

Saraakiisha Booliska ee Saldhigga Malaba, ayaa qabtay gaari siday shixnad weyn oo khamriga ethanol oo sharci darro ah taasi oo lagu qabtay wadada isku xirta Busia-Malaba.
Saraakiisha, oo ku jiray roondo joogto ah oo ay ka fuliyeen aagga Roiko ee Magaalada Malaba, ayaa gacanta ku dhigay gaari nooca Toyota Voxy ah.
Si kastaba ha ahaatee, darawalkii ayaa ka hor yimid amarkii ahaa inuu joojiyo oo uu si degdeg ah isku soo dhiibo balse wuxuu go’aansaday inuu baxsado , taasoo keentay in booliisku eryadaan.
Baaritaan lagu sameeyay gaariga ayaa lagu ogaaday 1,150 litir oo ethanol ah in uu siday.
Gaariga waxaa loo jiiday barxadda Saldhigga Booliska Malaba, waxaana loo adeegsan doona caddeyn ahaan .
Baaritaanno ayaa socda si loo xaqiijiyo lahaanshaha gaariga iyo in la raadiyo darawalkii baxsaday.
Adeegga Booliska Qaranka wuxuu ku ammaanayaa saraakiisha feejignaantooda iyo u heellanaanta waajibkooda.