DHEGEYSO:Madaxweynaha dalka oo wacad ku maray in tallaabo adag laga qaadaya dadka ku lugta leh fadeexadda shidaalka

0
151

Madaxweynaha dalka Dr. William Ruto ayaa sheegay in maamulkiisa uu si wayn ula tacaali doono falalka musuqmaasuqa.
Waxaa uu maanta magaalada Kilgoris ee ismaamulka Narok ka sheegay in tallaabo adag laga qaadaya cid kasta oo lala xiriirinaya fadeexadda dhanka shidaalka.
Hoggaamiyaha qaranka ayaa hoosta ka xarriiqay in ay jiraan shakhsiyaad isku dayey in ay ka faa’iidaystaan saameynta dagaalka ka taagan Bariga Dhexe si loo abuuro baahi shidaal oo aan dalka ka jirin.
Waxaa uu tilmaamay in dadkan loola xisaabtami doono si la mid ah kuwii ku lugta lahaa fadeexooyinkii sokorta , bacriminta iyo qaxwada.

Hadalka madaxweynaha dalka ayaa ku soo aadaya iyadoo waaxda dambi baarista ee (DCI) ay waddo baaritaanno ku saabsan in qaar ka mid ah saraakiisha sare ee wasaaradda iyo waaxyaha tamarta ee dalka ay qayb ka noqdeen in laga been sheegay xogta keydka qaran ee shidaalka.
Waxaa eedeymaha qayb ka ah in la abuuray xaalad degdeg oo horseedday soo iibsasho ka baxsan habraacyada degsan.
Waxaa gacanta lagu dhigay oo xilalkoodii iska casilay xoghayaha batroolka ee dalka Maxamad Liban, agaasimaha guud ee shirkadda dhuumaha shidaalka ee dalka ee (KPC) Joe Sang iyo agaasimaha guud ee maamulka maareeya tamarta iyo batroolka ee (EPRA )Daniel Kiptoo .
Madaxa shaqaalaha dowladda Felix Koskei ayaa laga soo xigtay in baaritaannada horudhaca ah ay muujinayaan in mas’uuliyiintan ay ku eedeysan yihiin ka been-sheegidda macluumaadka keydka qaran ee shidaalka iyagoo abuuray walaac iyo gabaabsi shidaal.
Dhanka kale , madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in ilaa afar boqol oo kun iyo shan iyo toban qof oo ku nool ismaamulka Narok ay isku diiwaangeliyeen caymiska caafimaadka bulshada ee SHA.
Hoggaamiyaha qaranka ayaa tilmaamay in ay jiraan dhagarqabayaal carqaladeynaya hannaanka SHA balse lala tacaali doono.
Waxaa uu intaasi ku daray in dowladdu ay soo saartay ilaa 15 bilyan oo shilin oo lagu dhisaya suuqyada, guriyaha qiimo ahaan la awoodo iyo qaybaha ay seexdaan ardayda jaamacadaha iyo machadyada.
Madaxweyne Ruto ayaa intaasi ku daray in saddexdii sano ee la soo dhaafay dhaqaale la’aan awgeed uu hakad ku yimid dhameystirka mashaariicda waddooyinka balse ay dowladdu dib u billowday dhisidda ilaa 6,000 oo kiilomitir oo waddooyin ah.

Hoggaamiyaha dalka ayaa shacabka ka codsaday in aan qabyaalad iyo diin lagu kala qaybin oo aan dhexdooda laga abuurin cuqdad iyo naceyb.
Waxaa uu xusay in ujeedadii loo ballaariyey maamulka dowladeed ay ahayd in meesha laga saaro siyaasadda qabyaaladda ku saleysan.
William Ruto ayaa ku taliyey in sanadka 2027-da si nabad ah lagu codeeyo isagoo soo jeediyay in mas’uul kasta oo jago raadinaya lagu qiimeeyo waxqabadkiisa.

Ugu dambeyn , waxaa uu si dadban uga jawaabay hadal uu maalmo ka hor jeediyay madaxweynihii Afaraad ee dalka Uhuru Kenyatta oo ahaa in shacabka gobolka Bartamaha aynan sameyn qaladkii 2022-kii.