Agaasimaha ku meel gaarka ah ee EPRA oo la magacaabay

0
116

Waxaa xilka agaasimaha guud ee maamulka maareeya tamarta iyo batroolka dalka ee (EPRA) si ku meel gaar ah loogu magacaabay Joseph Oketch.
Tani ayaa timid ka dib markii la xiray oo uu is casilay agaasimihii guud ee EPRA Daniel Kiptoo oo lala xiriiriyey abuuridda gaabad shidaal oo aan jirin si looga macaasho.
Oketch ayaa jagadan si ku meel gaar ah u sii hayn doonto iyadoo ay baaritaannada socdaan.
Maamullada ayaa sii ballaariyey baaritaannada ku aaddan geeddisocodka soo dejinta shidaalka ,kormeerka iyo habraacyada qandaraasyada ee hay’adaha muhiimka ah ee batroolka.
Guddoomiyaha guddiga EPRA Aadan Xaaji Cali ayaa sheegay in ay aqbaleen is casilaadda Daniel Kiptoo.