DHEGEYSO:Dowladda oo sheegtay in ay Kiambu ka fulinaysa mashaariic ay ku baxaysa in ka badan 70 bilyan

0
198

Madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in dowladda dhexe ay ismaamulka Kiambu ka hirgelinaysa mashaariic horumarineed oo ay ku baxaysa ugu yaraan 70 bilyan oo shilin.
Arrintan ayuu maanta ka sheegay deegaanka Kiambaa ee dowlad deegaanka Kiambu oo uu uga qayb galay barnaamij awoodsiin dhaqaale ah oo lagu qabtay fagaaraha dugsiga hoose ee Gachie .
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in mashaariicda laga fulinaya Kiambu ay isugu jiraan waddooyin, guriyo iyo suuqyo casri ah.
Kindiki ayaa sheegay in dhisidda waddada xiriirisa Karura-Gachie-Gacharage ay ku dhowdahay gabogabo halka deegaanka Kiambaa laga dhisaya laanta machadka tababarka culuunta caafimaadka ee KMTC oo ay ku baxaysa ilaa 200 oo milyan oo shilin.
Sidoo kale, waxaa deegaankaasi ka socdo 17 ah mashaariicda guriyaha qiimo ahaan la awoodi karo ee ay dowladdu dhisaysa , 15 ah hooy loogu talagalay booliiska iyo machadyada farsamada.

Kithure Kindiki ayaa xusay in ay hadda diiradda saarayaan dhameystirka mashaariicdan iyo in la billaabo kuwo kale.
Waxaa uu dadweynaha ku boorriyey in aan lagu dagin siyaasad uu ku tilmaamay mid raqiis oo dib u dhac ah.
Madaxweyne ku xigeenka qaranka ayaa sheegay in marka la gaaro xilliga ololaha doorashada ay soo bandhigi doonaan waxqabadkooda .
Waxaa uu shacabka uga digay marin habaabinta madax uu sheegay in ay dagaallamayaan iyagoo u hamuun qabo awood siyaasadeed.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa tilmaamay in siyaasaddu aynan ahayn cadowtinnimo balse ay tahay afkaar lagu tartamo.