Ciidamada Israa’iil oo Nablus ku Garaacay Nin Waayeel ah, 10 Qofna Xiray

0
99

Ciidamada Israa’iil ayaa weerar ka fuliyay magaalada Nablus ee Daanta Galbeed ee la haysto, halkaas oo lagu soo warramay inay garaaceen nin Falastiini ah oo 80 jir ah, ayna xireen 10 qof.
Sida ay sheegtay wakaaladda wararka Falastiiniyiinta ee Wafa, ciidamada ayaa waaberigii galay xaafado dhowr ah, iyagoo baarayay guryo isla markaana adeegsanayay sunta dadka ilmeysiisa.
Ururka Bisha Cas ee Falastiin ayaa sheegay in nin 80 jir ah la garaacay, kaddibna loo qaaday isbitaal si loogu daweeyo dhaawacyadii soo gaaray.
Intii uu socday howlgalka, ciidamada ayaa sidoo kale xiray 10 qof, waxaana dadka la qabtay ka mid ahaa laba wiil oo mataano ah oo 14 jir ah iyo wiil kale oo isla da’daas ah.