Laba toddobaad ka hor, Madaxweyne William Ruto ayaa amray in dhammaan ardayda Fasalka 10 ee aan wali tegin dugsiga sababo dhaqaale awgood ay si degdeg ah u xaadiraan, iyagoo aan wadan lacag dugsi, dhar iskuul, jiif ama qalab kale. Waxaa uu ballanqaaday in dowladda ay bixin doonto dhammaan kharashaadka si loo xaqiijiyo in dhammaan ardayda ay u gudbaan heerka xiga. Si kastaba ha ahaatee, arrintan ayaa hadda u muuqata mid fashil ku dhow.
Arday badan oo ka soo jeeda qoysas danyar ah ayaa isku dayay inay ka faa’iidaystaan fursaddaas, balse markii ay tageen dugsiyada ayaa dib loo celiyay. Qaar badan ayaa hadda ku xaniban guryahooda, halka qaar kalena ay bilaabeen shaqooyin yar yar ka dib markii laga diiday iskuulada, inkastoo ay haysteen waraaqihii ogolaanshaha.
Waalidiinta iyo ardayda ayaa hadda ka codsanaya dowladda inay si dhab ah u fuliso ballanqaadkeeda. Inkastoo madaxweynaha uu si cad u sheegay in kharashaadka la bixin doono, madaxda dugsiyada qaar ayaa weli ku adkeysanaya in ardayda ay bixiyaan lacagta dugsi, dharka iyo agabka kale ee muhiimka ah.
Maamulayaasha dugsiyada ayaa iyaguna sheegaya in dowladda aysan soo deyn lacag dheeraad ah oo ay ku daboolaan ardaydan. Tani ayaa ardayda badankood ka dhigtay kuwo mustaqbalkooda waxbarasho halis ku jira.
Home Wararka Kenya DHEGEYSO:Ballanqaadkii Ruto ee bixinta lacagta iskuulka oo fashilmay, ardaydana laga xanibay Fasalka...




