Lix qof ayaa ku dhintay shil gaari oo ka dhacay agagaarka Soy Sambu ee Gilgil oo ku taal Wadada Weyn ee isku xirta Nairobi-Nakuru.
Lixda qof ayaa ku safrayay gaari gaar loo leeyahay waxaa uuna ku dhacay baabuur kale abbaare 4:00 subaxnimo.
Dadka dhintay, oo dhammaantood rag ah, ayaa saarnaa gaariga yar markii uu si fool ka fool ah ugu dhacay gaari bas ah meel u dhow wadada mashquulka badan ee Soysambu .
Sida laga soo xigtay booliska, baaritaanno hordhac ah ayaa tilmaamaya in darawalkii gaariga baska uu isku dayayay inuu ka gudbo baabuur kale taasoo sababtay shilka.
Dadka dhintay ayaa la sheegay inay ka soo safrayeen Kisumu, halkaas oo ay ka qayb galeen munaasabad aas ah, waxayna ku soo jeedeen Nairobi xilligii uu shilku dhacay.
Burburka labada baabuur ayaa loo jiiday Saldhigga Booliska Gilgil, halka meydadkana loo qaaday qolka meydadka ee Isbitaalka Degmadda Gilgil.




