4 qof ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen, halka 11 kalena ay dhaawacyo soo gaareen, kadib markii darbi xayndaab ah oo dhismihiisu socday uu ku dumay shaqaale ka howlgallayay waddada Riverside Drive ee magaalada Nairobi.
Shilkan ayaa dhacay subaxnimadii Sabtida maanta ah, meel u dhow dhismaha Grand Residence, xilli shaqaaluhu ay goobta u imaanayeen si ay u bilaabaan shaqadooda maalinlaha ah.
Ilo dhanka ammaanka ah oo goobta ku sugnaa ayaa sheegay in 33 shaqaale ku meel gaar ah ay ku sugnaayeen agagaarka darbiga xilligii uu dumayay.
Kooxaha gurmadka degdegga ah iyo mas’uuliyiinta deegaanka ayaa si dhaqso ah u gaaray goobta, iyagoo bilaabay baadigoob iyo samatabbixin.
Tirakoobkii ugu horreeyay ayaa muujiyay in 22 shaqaale la helay, halka 11-ka dhaawacmay loo kala qaaday isbitaallo ku yaalla magaalada Nairobi si loogu daweeyo.
Booliska ayaa xiray waddada iyo goobta uu shilku ka dhacay, iyadoo howlgallada gurmadku ay weli socdaan si loo xaqiijiyo inaysan jirin dad kale oo ku hoos jira burburka.
Shaqaalo badan ayaa laga cabsi qaba in ay ku hoos jiraan burburka dhismaha darbiga dumay.
Baaritaanno ayaa la filayaa in lagu ogaado sababta keentay dumista darbiga iyo in goobta dhismuhu ay waafaqsanayd shuruucda badbaadada dhismayaasha.
Dhacdadan ayaa imaneysa maalin kadib markii lix qof ay ku dhinteen dhisme ku dumay waddada Mombasa Road ee Nairobi, taasoo mar kale walaac ka abuurtay badbaadada dhismayaasha ka socda caasimadda.




