Ugu yaraan siddeed qof oo lagu dilay weerar ka dhacay xadka Kenya iyo Itoobiya

0
9

Ugu yaraan siddeed qof ayaa subaxnimadii Sabtida lagu dilay weerar ay rag hubeysan ka geysteen deegaanka Malkamari, oo dhanka Itoobiya kaga beegan xadka ay wadaagaan Kenya iyo Itoobiya.
Wararka ayaa sheegaya in kooxaha hubeysan ay weerareen tuulada xilli dadka deegaanka ay hurdeen, iyagoo dilay rag, dumar iyo carruur.
Weerarkan ayaa imaanaya iyadoo xiisadaha amni iyo iska horimaadyada ka socda deegaannada xadka ay weli sii socdaan.
Maalin ka hor, guddoomiyaha ismaamulka Marsabit, Mohamud Ali, ayaa sheegay in ugu yaraan laba Kenyan ah lagu dilay, halka 22 kalena ay ku dhaawacmeen rasaas habow ah oo ka dhalatay dagaallada ka socda gudaha Itoobiya.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in dagaallada ka socda Itoobiya ay barakiciyeen ku dhowaad 10,000 oo qof, halka qiimeyn ay dowladdu sameysay ay muujisay in in ka badan 50,000 oo Itoobiyaan ah ay u soo gudbeen Marsabit ee Kenya, iyagoo ka cararaya colaadaha ka socda deegaannada Soomaalida iyo Oromada ee koonfurta Itoobiya.
Mohamud Ali ayaa ka digay xaaladaha caafimaad ee ka dhalan kara ciriiriga goobaha ay ku jiraan dadka barakacayaasha ah, yaraanta dawooyinka muhiimka ah iyo nafaqo-darrada sii kordheysa.
Wuxuu sidoo kale sheegay in la xaqiijiyay kiisas jadeeco iyo cudurka Rubella ah, isagoo intaa ku daray in hub iyo rasaas aan qarxin oo ku soo dhacaya meelaha ay dadku deggan yihiin ay khatar weyn ku yihiin shacabka.
Ciidamada difaaca qaranka Itoobiya ayaa markii dambe soo dhexgalay oo joojiyay dagaallada, hase yeeshee rabshaduhu ma aysan dhammaan, waxayna ku fideen degmooyin kale oo ku teedsan xadka ay isku haystaan dowlad-deegaannada Soomaalida iyo Oromada.
Xiisaddan ayaa weli halis ku ah dadka ku nool labada dhinac ee xadka.