Dhaxal-sugaha Sacuudiga iyo madaxweynaha Maraykanka oo ka wada hadlay xaaladda Qaza

0
363

Dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamad Bin Salmaan iyo madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa ka wada hadlay xaaladaha ka taagan Qaza.
Waxaa uu Maxamad Bin Salmaan Maraykanka ku boorriyey inuu ka shaqeeyo in si degdeg ah looga arrinsado in la joojiyo howlgallada militari ee Israa’iil.
Xilli ay isaga iyo Biden khadka taleefoonka ku wada xiriireen ayuu sidoo kale xusay in loo baahan yahay in xal loo helo is hor taagga bartilmaameedsiga rayidka.
Dhawaan ayay ahayd markii golaha ammaanka ee qaramada midoobay uu ku kala qaybsamay u codeynta qaraar ay soo jeedisay dowladda Ruushka kaasoo lagu dalbanayay in weerarrada la joojiyo si fursad loo siiyo gargaarka baniaadannimo ee ay u baahan yihiin shacabka muddo 16 sano ah ku go’doonsan Qaza.