Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in Ukraine ay sii waddo weerarrada ay ku beegsanayso warshadaha sifeynta shidaalka ee Ruushka, inkastoo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ka codsaday Kyiv inay joojiso weerarradaas.
Putin ayaa Talaadadii ku hanjabay in Ruushku uu ka jawaabi doono weerarrada Ukraine, isaga oo sheegay in tallaabooyin aargoosi ah ay yihiin kuwo lama huraan ah.
Hadalka Putin ayaa yimid kaddib markii Ukraine ay sheegtay in ay joojin doonto weerarrada ay ku qaaddo xarumaha tamarta ee Ruushka marka Moscow ay iyaduna joojiso weerarrada la midka ah ee ay ku beegsanayso xarumaha tamarta Ukraine.
Weerarrada Ukraine ayaa yaraaday kaddib markii Trump uu bartamihii bishii Oktoobar ku dhawaaqay xabbad-joojin la xiriirta xarumaha tamarta, balse waxay dib u xoogaysteen dhammaadkii isla bishaas.
“Waxaan aragnaa in maamulka Kyiv uu sii wado weerarrada ka dhanka ah xarumaheenna sifeynta shidaalka, inkastoo madaxweynaha Mareykanka uu ka codsaday inay ka waantoobaan weerarradaas,” ayuu Putin ka sheegay kulan uu Kremlin-ka kula yeeshay mas’uuliyiin dowladeed iyo madaxda shirkadaha waaweyn ee shidaalka.
“Arrintaas awgeed, waxaan caddeynayaa in tallaabooyin aargoosi ah oo dhankeenna ah ay yihiin kuwo lama huraan ah,” ayuu yiri Putin.
Waxa uu sidoo kale amray in la xoojiyo amniga xarumaha tamarta ee dalka.




