Senatarka ismaamulka Nairobi Edwin Sifuna ayaa gaashaanka u daruuray qorshaha hiigsiga horumarineed ee sanadka 2060-ka oo lagu wado in la soo bandhigo Arbacada .
Waxaa uu maanta Mumias oo ka tirsan ismaamulka Kakamega ka sheegay in barasaabka dowlad deegaanka Kisumu Prof.Anyang’ Nyong’o laga doonayay inuu sugo 12 bilood inta uunan qorshahan la wadaagin madaxweynaha.
Waxaa uu Sifuna xusay in qof kasta uu oranayey in dhallinyarada ay yihiin hoggaamiyaasha mustaqbalka balse ay u muuqato in aayaha dhallinyarada ay qorsheynayaan jiilal da’ ah.
Xildhibaanka deegaanka Bariga Embakasi ee ismaamulka Nairobi Babu Owino oo isna ka tirsan dhaqdhaqaaqa Linda Mwananchi ayaa dhankiisa ku baaqay in la muujiyo dulqaad siyaasadeed.




