Madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa difaacay waxqabadka maamulka talada waddanka haya ee madaxweyne William Ruto.
Waxaa uu dhanka kale midnimo ugu baaqay dadweynaha ku nool gobolka Bartamaha Kenya.
Kindiki ayaa ka digay kala qaybsanaan ka hor doorashada guud ee sanadka 2027-da.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ay sameynayaan wax kasta oo ay ku qaadato si aan loo waxyeelleyn wadajirka bulshada gobolkaasi iyo si guud kenyaanka.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa xilli uu maanta ku sugnaa Gaichanjiru oo ka tirsan deegaan baarlamaneedka Kandara ee ismaamulka Murang’a sheegay in aan loo baahnayn in tartanka siyaasadeed uu wax u dhimo nabadgalyada.




