Booliska Kenya oo caddeeyay sida loo wajahayo dhimashada dadka ku dhinta xabsiga booliska

0
128

Hay’adda Booliska Qaranka Kenya (NPS) ayaa soo saartay bayaan ay ku caddeynayso habka loo wajahayo kiisaska dhimashada dadka looga shakiyo dambiyada ee ku dhinta gacanta ama xabsiga booliska.
NPS waxay sheegtay in qof kasta oo ku dhinta xabsiga booliska lagu sameyn doono baaritaan dhammaystiran, madax-bannaan oo ku saleysan caddeymo, iyadoo la raacayo Dastuurka Kenya, shuruucda dalka iyo habraacyada baaritaanka.
Hay’addu waxay sidoo kale sheegtay in haddii baaritaanka lagu ogaado in askari boolis ah uu mas’uul ka yahay dhimashada, tallaabo degdeg ah oo adag laga qaadi doono, iyadoo askariga lala xisaabtami doono sharciga iyo nidaamka anshax-marinta gudaha ee Booliska.
NPS ayaa intaas ku dartay in tallaabooyinka lagu qaado dadka ay khuseeyaan ay muhiim u yihiin ilaalinta caddeymaha, ka hortagga faragelinta baaritaanka iyo soo celinta kalsoonida shacabka.
Bayaanka oo ku taariikhaysan 13 Agoosto 2026, waxaa saxiixay Muchiri Nyaga, Agaasimaha Isgaarsiinta iyo Afhayeenka Hay’adda Booliska Qaranka Kenya.
Booliska Kenya ayaa sheegay inay weli ka go’an tahay daahfurnaan, isla-xisaabtan, ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo dhowrista xuquuqda dadka ku jira xabsiyada booliska