Waxaa uu walaac xooggan soo foodsaaray dadweynaha ku nool tuulada Ngari ee ismaamulka Samburu.
Tani ayaa timid ka dib markii ay ka war heleen in biyo xireenka Nakunyugo uu qarka u saaran yahay in uu soo fataho.
Waxay doonayaan in dowladdu ay u wareejiso meel kale oo ay ku noolaan karaan maadaama ay ka cabsi qabaan saameynta fatahaadda.