DHAGEYSO:Raila oo dhaliilay go’aan la xiriira doorashooyinka oo ka soo baxay maxkamadda sare

0
262

Madaxa xisbiga ODM ahna hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa dhaliilay go’aan dhawaan ka soo baxay maxkamadda sare ee wadanka.
Garsoore Mugure Thande ayaa guddi loo xil saaray inuu shaqaaleysiiyo mas’uuliyiinta cusub ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ku amartay inay si degdeg ah u guda galaan geeddisocodka lagu buuxinaya jagooyinkii IEBC-da ee ay baneeyeen Wafula Chebukati iyo saraakiishii sare ee la shaqeynayay ee uu muddo xileedkoodu dhamaaday.
Hasa ahaate Raila Odinga ayaa carrabka ku adkeeyay in guddigaasi uu baarlamaanka buriyay ka dib markii mucaaradka iyo muxaafidka ay oggolaadeen inay wada hadlaan.
Waxaa uu intaasi ku daray in xulashada guddiga shaqaaleysiinaya saraakiisha IEBC ay tahay arrin u baahan in laga qayb geliyo dhinacyada siyaasadeed ee Kenya Kwanza iyo Azimio.