DHAGEYSO:Nairobi: Qof u dhintay Khamri uu cabay

0
184

Waxaa lagu soo warramayaa in hal qof uu dhintay, halka mid kalena xaaladdiisa caafimaad lala tacaalayo ka dib markii ay cabeen Khamri sharci darro ah.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay aagga loo yaqaano Mwiki ee deegaanka baarlamaaneedka Kasarani ee ismaamulka Nairobi.
Ninka Khamriga uu cabay u dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Peter Thuya.
Tan ayaa imaanaysa iyadoo dowladda dhexe ee gudaha wadanka kawada howlgallada ka dhanka ah Khamriga sharci darrada ah iyo balwadda noocyadeeda kala duwan.