Wasiirka arrimaha dibadda dalka, Musalia Mudavadi, ayaa sheegay in Madaxweyne William Ruto uu ku guuleysan doono doorashada guud ee sanadka 2027.
Mudavadi ayaa sheegay in guusha Ruto ay noqon doonto mid caddaalad ah, hufan, isla markaana aan lagu murmin ama dacwad looga gudbin natiijada doorashada.




