Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa muwaadiniinta ku boorriyay inay muujiyaan dul qaad la xiriira xaaladaha adag ee ay wajahayaan.
Waxaa uu xusay in dowladdu ay xoogga saareysa sidii loo xallin lahaa caqabadaha jiro.
Gachagua ayaa ismaamulka Nakuru ka sheegay in dowladdu ay qiraysa in sanadkii hore uu ahaa mid ay culeysyo soo wajaheen kenyaanka balse lagu howlan yahay xallintooda.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa sidoo kale difaacay mashruuca guriyeynta ee dowladda isagoo sheegay in dad badan ay shaqooyin ka heleen.




