Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay in guul laga gaaray dagaalka ay laamaha ammaanka kula jiraan khamriga sharci darrada ah ee bartamaha Kenya.
Gachagua ayaa tuulada iruri ee deegaanka Mathira oo ka tirsan ismaamulka Nyeri ka sheegay in howlgalladii socday ay noqdeen kuwo miro-dhalay.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ololahan lagu guulaystay isagoo tilmaamay ka hor inta aan howlgallada la billaabin, inay khatar ku jireen boqolkiiba 70 ee jiilka soo koraya.
Dhanka kale madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa ka hadlay manhajka waxbarashada ee CBC.
Waxaa uu xusay in macallimiin badan la shaqaaleysiiyay ka dib talooyin uu bixiyay guddi uu madaxweynaha wadanka William Ruto u magacaabay inuu dib u eegis ku sameeyo arrimaha waxbarashada.
Gachagua ayaa laga soo xigtay in dowladdu ay howlgelisay in ka badan 56,000 oo macallimiin ah si loo buuxiyo gaabadka dhanka tirada barayaasha.




