DHAGEYSO:Dowladda oo ka hadashay halka uu maraya dagaalka ka dhanka ah burcadda

0
257

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in boqolkiiba 70 la fuliyay qorshihii amni ee ka dhanka ahaa kooxaha falalka burcadnimo ka gaysta gobolka Rift Valley.
Kithure Kindiki ayaa xadka ay wadaagaan deegaan baarlamaneedyada Waqooyiga Baringo iyo Tiaty ka sheegay in la yareeyay dhacdooyinkii burcadnimo ee horay la soo tabin jiray.
Wasiirka oo kormeeray dhisidda kaabayaasha amniga ee halkaasi ka socda ayaa dhanka kale xusay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay ciribtirka halista burcadnimada .
Waxaa uu ku celceliyay in sare loo qaadaya dadaallada lagu burburinaya isku xirka siyaasadeed, dhaqameed iyo maaliyadeed ee lagu taageero falalkan.
Wasiirka ayaa ciidamada ammanka uga mahadceliyay dadaalka ay ku bixiyeen la tacaalidda kooxaha burcadda ee dilalka iyo dhaca xoolaha ka gaysta Rift Valley.
Kithure Kindiki ayaa laga soo xigtay in inta hartay ee howlgallada oo ah boqolkiiba 30 diiradda lagu saari doono meelo kooban oo ka tirsan Bariga Samburu , Galbeedka Samburu, Isiolo iyo Turkana.
Wasiirka ayaa sheegay in sanadka 2024-ta la joogteyn doono guulaha sanadkan laga gaaray la dagaallanka burcadda.
Waxaa uu intaasi ku daray in marka howlgallada la soo gabagabeeyo , Waqooyiga Rift Valley laga hirgelin doono mashaariic badan oo horumarineed sida dugsiyo , suuqyo iyo xarumo caafimaad.
Wasiirka ayaa dhanka kale shaaciyay in dowladdu ay sanad kasta ugu yaraan 7 bilyan oo shilin ku bixin doonto casriyeynta agabka amni ee ay ciidamadu isticmaalaan.