DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo guddoomiyay shirka xisbiga UDA

0
298

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta gaaray xarunta dhexe ee xisbiga talada wadanka haya ee UDA.
Waxaa uu halkaasi ku guddoomiyay shirka guddiga qaabilsan maareynta howlaha guud ee xisbiga kaasi oo looga arrinsanayay doorashooyinka soo socdo ee UDA.
Waxyaabaha kulanka ka soo baxay waxaa ka mid ah in doorashada la qabanaya loo mari doono ilaa afar waji oo midka ugu horreeya uu billaabanaya 26-ka bishan Afaraad.
Guddiga doorashooyinka ee UDA ee la soo dhisay ayaa fadhigiisa yeelan doono toddobaadkan.
Doorashooyinka lagu soo xulanaya mas’uuliyiinta kala duwan ee xisbiga ayaa qabsoomi doono inta u dhexeysa bishan Afaraad ilaa bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Sidoo kale waxaa socdo diiwaangelinta xubnaha xisbiga UDA iyadoo shakhsiyaadka doonaya inay u tartamaan xilalka kala duwan lagu wargeliyay in ay is diiwangeliyaan maadaama dib loo furay barta online-ka ee xisbiga.
Xoghayaha Guud ee xisbiga UDA ,Cleophas Malala ayaa warbaahinta faahfaahin ka siiyay kulanka maanta qabsoomay iyo waxyaabaha lagu heshiiyay.