DHAGEYSO:Macallin dugsi lagu eedeeyay inuu faraxumeeyay 6 gabdhood oo la soo taagay maxkamad ku taalla Garissa

0
221

Waxaa maxkamad ku taalla magaalada Garissa la soo taagay macallin dugsi Qur’aan ah oo lagu magacaabo Aadan Cali Kaahin oo lagu eedeeyay inuu faraxumeeyay lix gabdhood oo ardaydiisa ka mid ahaa.
Eedeysanaha ayaa waxaa xiray laamaha ammaanka ka hor inta uusan isku dayin inuu baxsado.
Waalidiinta dhalay carruurta la sheegay in la faraxumeeyay ayaa dacwad u gudbiyay booliiska, iyadoo laamaha ammaanka ay baaritaano sameeyeen.
Garsooraha maxkamadda magaalada Garissa Shadrack Otuke ayaa diiday codsi uu eedeysanaha ku doonayay in damaanad lagu siidaayo.
Dhageysiga dacwadda ka dib ayuu garsooraha sheegay in maxkamadda ay si dhab ah u qaadaneyso kiiskan maadaama uu yahay mid ku lug leh carruur aan qaangaarin.
Qaar ka mid ah waalidiinta dhalay carruurta la faraxumeeyay oo warbahinta la hadlay ayaa dowladda ka codsaday in dhallaankooda cadaaladda ay helaan.

Dhanka kale, Mukhtaar Daahir Cismaan oo ah guddoomiyaha hay’ad u doodda xuquuqda carruurta iyo hooyoyinka ee ismaamulka Garissa ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay xuquuqda carruurta lagu xadgudbo.

Dhageysiga dacwaddan ay markale la soo hadal qaadi doona 15-ka bishan.