Waxaa lagu soo warramayaa in xalay fiidkii meydadka labo macdan qodayaal ah laga soo saaray goobta dahabka laga soo saaro ee deegaan baarlamaneedka Ikolomani ee ismaamulka Kakamega.
Tani ayaa timid ka dib markii ay goobtaasi duntay.
Labada qof ee dhintay ayaa da’doodu kala tahay 25 iyo 27 sano jir.
Sagaal ka mid ah macdan qodayaasha ayaa si dirqi ah dhacdadan uga badbaaday.
Macdan qodayaasha ayaa hadda doonaya in dowladda ay ka caawiso sidii ay u heli lahaayeen mashiino gaar ah oo macdanta lagu qado, si looga hortago musiibooyinka noocaan mustaqbalka.




