Ugu yaraan 700 oo ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku barakaceen daadad saameeyay saddex ka mid ah tuulooyinka deegaanka Mwea ee ismaamulka Kirinyaga ee gobolka Bartamaha dalka.
Tani ayaa timid ka dib markii habeenimadii ay Khamiista soo galeysay uu karkaarrada jabsaday webiga Thiba River.
Waxaa halkaasi ku burburtay hanti aan weli qiimaheeda rasmiga ah la caymin.
Biyaha daadka ayaa gudaha u galay beeraha Mwea .
Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in 30-kii sano ee ugu dambeeyay aynan arag fatahaado baaxaddan leh.
Waxay codsadeen in si degdeg ah loogu fidiyo gargaar baniaadannimo iyadoo waaxda saadaasha hawada ee dalka ay sheegaysa in la rajeynaya in roobabka culus ee ka jiro qaybo ka mid ah wadanka ay sii da’aan afarta cishe ee nagu soo aaddan.
Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo ismaamulka Kirinyaga Xuseen Calasow ayaa dhankiisa shacabka ugu baaqay in ay taxaddar muujiyaan oo ay ka guuraan meelaha halista ah.