Madaxa xisbiga DCP Rigathi Gachagua ayaa difaacay madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta .
Waxaa uu sheegay in kastoo uu howlgab noqday in Uhuru uu weli muwaadin ahaan xaq dastuuri ah u leeyahay inuu ka hadlo arrimaha ka taagan dalka.
Hadalka Gachagua ayaa ku soo aadaya iyadoo siyaasiyiinta isbeheysiga talada haya ee Kenya Kwanza ay sheegayaan in ay baarlamaanka geyn doonaan mooshin Uhuru looga xayuubinaya faa’iidooyinka howlgabnimada haddii sida ay hadalka u dhigeen uu sii wado dhalleeceynta maamulka William Ruto.




