Israa’iil oo ku hanjabtay dib u soo celinta dagaalkii Qaza

0
167

Israa’iil ayaa wacad ku martay in ay dib u billaabi doonto duullaankii militari ee Qaza ee dalka Falastiin.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo la soo tabinaya in tan iyo heshiiskii xabbad joojinta ee bishii Tobnaad ee sanadkii hore la dilay 828 Falastiiniyiin ah.
Dhanka kale , Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa maanta si lama filaan ah u baajiyey kulan lagu waday inuu yeesho golaha wasiirrada ee Israa’iil.