Iyadoo uu qorshuhu yahay in Isniinta soo socoto dib loo furo dugsiyada waddanka ayaa waxaa laga cabsi qabaa in tani ay saameyn ku yeelato shaqo joojin ay ku hanjabayaan bareyaasha waddanka.
Ilaa iyo hadda wax is-afgarad ah ma aynan gaarin dowladda iyo mas’uuliyiinta ururrada macallimiinta.
Xildhibaanka deegaanka Koonfurta ismaamulka Kajiado Samuel Sakimba Parashina ayaa dowladda ugu baaqay in ay xalliso tabashooyinka macallimiinta ee dhanka mushaar kordhinta.