DHAGEYSO:Dhisme ka kooban 7 dabaq oo ku dumay deegaanka Rongo

0
171

Waxaa magaalada Rongo ee ismaamulka Migori ku dumay dhisme ka kooban 7 dabaq.
Hay’adda Laanqayrta Cas ee dalka ee Kenya Red Cross ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in weli la la’yahay hal qof oo ka mid ah dadkii goobta ku sugnaa.
Waxay intaasi ku dartay in ay socdaan dadaallo qofka maqan lagu raadinaya.
Hay’adda ayaa hoosta ka xarriiqday in ay dhaawacmeen afar ruux oo marayay dhismaha soo dumay agtiisa.
Taliyaha booliiska ee deegaanka Rongo ee ismaamulka Migori Salim Fundi ayaa sheegay in ay weli qiimeynayaan khasaaraha ka dhashay dhacdadaasi oo ay faahfaahinno dheeraad ah soo saari doonaan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in guriga soo dumay uu ahaa mid weli uu dhismihiisu socday.

Waxaa sidoo kale dareenkooda warbaahinta la wadaagay qaar ka mid ah goobjoogayaasha iyo haweeney uu dhaawac soo gaaray oo isbitaalka la geeyay.