DHAGEYSO:Cabdi Yuunis Guuliye oo ay beeshiisa u xulatay u tartamidda kursi baarlamaneedka Waqooyiga Mandera

0
115

Beesha Jibraail ayaa maanta si rasmi ah u caleemo saartay Cabdi Yuunis Guuliye, si uu u noqdo musharraxa beesha ku matalaya doorashada guud ee Kenya ee sannadka 2027-da gaar ahaan kursiga Xildhibaannimo ee Waqooyiga Mandera ee Mandera North.
Munaasabad ballaaran oo ka dhacday deegaanka Rhamu-Dimtu ayaa waxaa isugu yimid qeybaha kala duwan ee Beesha oo ay ka mid yihiin odayaasha dhaqanka, culimada, haweenka, dhallinyarada iyo ugaasyada jufooyinka kala duwan .
Intii ay munaasabadda socotay astaanta matalaadda qoyska ayaa si rasmi ah loogu wareejiyay Cabdi Yuunis Guuliye, taasoo muujinaysa kalsoonida iyo taageerada ay beesha u muujisay musharraxnimadiisa.
Suldaan Sheekh Yuunis Axmed Hayle, oo ah Suldaanka guud ee Beesha ayaa munaasabadda ka sheegay in beesha ay si buuxda u taageertay Cabdi Yuunis Guuliye, isaga oo sidoo kale usha dhaqanka ku wareejiyay musharraxa, taasoo astaan u ah kalsoonida iyo mas’uuliyadda loo dhiibaya.

Munaasabadda ayaa sidoo kale noqotay fursad ay qeybaha kala duwan ee Beesha ku muujiyeen midnimadooda iyo mowqifkooda ku aaddan doorashada 2027, iyadoo si weyn loo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo hoggaan matala danaha shacabka Mandera North.
Cabdi Yuunis Guuliye oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa uga mahadceliyay odayaasha, culimada, haweenka iyo dhalinyarada kalsoonida ay u muujiyeen.
Waxa uu sheegay in haddii uu helo fursadda uu ugu matalo Mandera North baarlamaanka Kenya, uu ka shaqeyn doono isbeddel siyaasadeed, horumar iyo matalaad wax ku ool ah, isaga oo ballanqaaday in uu ka dhabeyn doono himilooyinka shacabka deegaanka.

Soo xulashada Cabdi Yuunis Guuliye ayaa ku soo beegmaysa xilli uu si tartiib ah u sii xoogeysanaya loollanka siyaasadeed ee Mandera North, iyadoo musharraxiin dhowr ah ay durba billaabeen abaabulka iyo raadinta taageerada bulshada ka hor doorashada guud ee 2027.