DHAGEYSO:Aqalka sare ee dalka oo ayiday xil ka qaadistii barasaabka Meru

0
169

Senatarrada aqalka sare ee dalka ayaa ayiday go’aankii ay wakiillada deegaannada hoose ee ismaamulka Meru ay xilka uga qaadeen barasaabka dowlad deegaankaasi Kawira Mwangaza.
Guddoomiyaha aqalka sare ee dalka Amason Kingi ayaa sheegay in Kawira lagu cadeeyay saddex dacwadood .
Dacwadahan ayaa ku saabsanaa in ay dastuurka si wayn ugu xadgudubtay, in ay awoodeeda hoggaamineed ku tagriifashay sidoo kalena ay ku kacday habdhaqan xumo.
Eedda la xiriirtay ku xadgudubka dastuurka waxaa codkooda ku taageeray 26 senatarro ah waxaana ka soo horjeestay 4 iyadoo 14 kale ay ka gaabsadeen in ay u codeyaan.
Dacwadda labaad ee ahayd habdhaqan xumo wayn waxaa u codeeyay 26 senatarro ah, 2 ayaa ka soo horjeestay waxaana ka aamusay 14.
Eedda saddexaad ee ah in ay Kawira Mwangaza, barasaabka ismaamulka Meru ku tagriifashay awoodeeda xafiiseed waxaa codkooda ku taageeray 27 senatarro ah , waxaa ka soo horjeestay hal senatar iyadoo 14 ay ka gaabsadeen.
Guddoomiyaha aqalka sare ee dalka Amason Kingi ayaa shaaciyay in senate-ka uu go’aamiyay in barasaabka Meru xilka laga xayuubiyay sidaasi awgeedna aynan xafiiska sii joogi karin.