DHAGEYSO:Airtel Kenya oo Daahfurtay Bizna Wallet si ay u Taageerto Ganacsiyada Yaryar

0
52

Shirkadda Airtel Kenya ayaa maanta si rasmi ah u daahfurtay Bizna Wallet, oo ah akoon ganacsi oo dijitaal ah oo si gaar ah loogu talagalay ganacsiyada yaryar, si ay uga caawiso maareynta dhaqaalahooda iyadoo adeegsanaysa nidaam fudud, ammaan ah, isla markaana hufan.
Adeeggan cusub ayaa loogu talagalay milkiilayaasha dukaamada yaryar, ganacsatada suuqyada, darawallada mootooyinka boda boda, kuwa matatu-da iyo ganacsatada kale ee yaryar.
Bizna Wallet ayaa u sahlaya ganacsatada inay si gaar ah u maareeyaan lacagaha ganacsigooda, iyagoo sidoo kale ka faa’iideysanaya abaalmarinno lagu bixiyo macaamillada u qalma.
Macaamiisha AirtelĀ  ayaa sidoo kale heli doona 50 boqolkiiba lacag-celin ee cashback marka ay sameeyaan macaamillo u qalma oo qiimahoodu yahay 101 shilin ama ka badan.
Lacag-celintan ayaa khusaysa bixinta biilasha, lacagaha laga wareejiyo bangiyada, lacagaha loo diro shabakadaha kale ee lacagaha mobilada iyo lacagaha loo wareejiyo akoonnada bangiyada.
Isagoo ka hadlayay munaasabaddii lagu daahfurayay adeeggan oo ka dhacday magaalada Nairobi, Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Airtel Kenya, Bonke Michael, ayaa sheegay in Bizna Wallet la sameeyay kadib wadatashiyo ballaaran oo lala yeeshay ganacsatada, kuwaas oo muujiyay inay dhibaato ku qabaan isticmaalka akoonnada gaarka ah ee Airtel si ay ugu maareeyaan lacagaha ganacsigooda.
Bonke Michael ayaa sheegay in akoonka ganacsi ee cusub ay u oggolaanayso ganacsatada inay kala saaraan dakhliga ganacsiga iyo lacagaha gaarka ah, la socdaan iibka maalinlaha ah, soo saaraan warbixinno kooban oo xisaabeed, ka helaan lacag-bixinno dhammaan shabakadaha lacagaha mobilada, isla markaana ilaashadaan lacagaha ganacsiga si looga hortago dib-u-celin aan la fasaxin.
Bizna Wallet ayaa inta badan diiradda saaraysa taageeridda ganacsiyada yaryar ee aan rasmiga ahayn ee Kenya, kuwaas oo si weyn ugu tiirsan adeegyada lacagaha mobilada si ay u maamulaan hawlahooda maalinlaha ah.