Hoggaamiyaha xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa madaxweyne William Ruto ku eedeyay inuu isticmaalo SHA, SHI iyo SHIF si uu hanti u urursado isagoo ku guul darreystay inuu horumariyo daryeelka caafimaadka ee dadka Kenyaanka ah.
Waxaa uu ku andacoonaya in madaxweynaha uu dhaqaale ahaan uga faa’iidaysto sanduuqa caymiska caafimaadka halkii uu u adeegi lahaa Kenyaanka.
Kalonzo ayaa xusay in hindisayaashan loo adeegsanayo hanti urursi iyadoo muwaadiniinta caadiga ah ay sii wadaan halganka ay ugu jiraan helitaanka daryeelka caafimaadka.
Mr. Musyoka ayaa sidoo kale dhalleeceeyay Taliyaha guud ee booliiska dalka Douglas Kanja isagoo ku eedeyay afduubka dhallinyarada.
Madaxa Wiper ayaa carrabka ku adkeeyay in Mr. Kanja uu ku guul darreystay badbaadinta shacabka.