DHAGEYSO: Dadka Kenyaanka ah oo dareenkooda ka dhiibtay guul darradii Raila ee kursiga AUC-da

0
423

Guud ahaan dalka ayaa laga soo tabiyay siyaabo kala duwan oo ay dadka Kenyaanka ah u muujiyeen dareenkooda ka dib markii uu fashilmay isku daygii uu Raila odinga ku doonayay in uu ku guuleysto xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee AUC-da.
Dadka qaar ayaa aaminsan in Raila uu wali wax badan u qaban karo waddanka halka qaar kalena ay sheegayaan in la joogo wakhtigii uu ka bixi lahaa saaxada siyaasadda.

Raila Odinga oo dhankiisa qirtay in loollanka looga guulaystay ayaa u hambalyeeyay Maxamuud Cali wuxuuna sidoo kale u mahadceliyay hoggaamiyaashii isaga u codeeyay iyo kuwii aan u codeyn labaduba.