Darawal baabuur jiirsiiyay sarkaal ka mid ahayd ciidamada taraafikada oo la raadinaya

0
570

Laamaha ammaanka ee ismaamulka Busia ayaa raadinaya darawal ku eedeysan inuu baabuur ku dhuftay haweeney ka mid ahayd ciidamada waaxda taraafikada ee dalka ee gaadiidka kala haga Nancy Chepchumba.
Dhacdadan ayaa habeen ka hor laga soo tabiyay bar kontorool oo ay saraakiisha ka sameeyeen waddada u dhexeysa Malaba iyo Kanduyi.
Taliyaha booliiska ee deegaanka Waqooyiga Teso ee ismaamulka Busia ,Joseph Matiku ayaa sheegay in wadaha baabuurka oo looga shakiyay inuu sido badeeco kontarabaan ah uu dafiray amarka ciidamada booliiska oo ahaa inuu gaariga istaajiyo xilli uu marayay meel u dhow suuqa Kocholya.
Waxaa uu baabuurka jiirsiiyay mid ka mid ahayd saraakiisha taraafikada ee halkaasi ku sugnaa ka hor inta uunan abaare 3-dii habeenimo ee xalay baabuurka si xowli ah ugu kaxeyn dhanka Bungoma.
Sarkaaladda oo la geeyay isbitaalka degmada Kocholya ayaa isla markiiba halkaasi ku geeriyootay.
Waxaa hadda meydkeeda la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka Moi ee magaalada Eldoret si qallin loogu sameeyo iyadoo ay dhanka kale laamaha ammaanka raadinayaan darawalkii falkaasi gaystay.
Labo bilood ka hor ayay ahayd markii sarkaal booliis ah uu baabuur ku jiiray isla goobta dhacdadan laga soo tabiyay.