Dab ka kacay gaari maraayay aaga Southern Bypass

0
630

Shirkadda MOJA Expressway ayaa sheegtay inaysan jirin wax khasaare ah ka dib markii gaari uu dab ku qabsaday agagaarka Southern Bypass ee waddada Nairobi Expressway. Shirkadda ayaa xaqiijisay in rakaabka si nabad ah loo daadgureeyay islamarkaana dabkii la demiyay.
Socodka gaadiidka ayaa si ku mee gaar ah hakad u galay subaxnimadii hore ee saaka ka dib markii gaari uu la kulmay cilad farsamo taasoo sababtay inuu dab qabsado. Kooxda kormeerka ee shirkadda MOJA, oo la shaqeynayay booliiska ayaa ku guuleystay inay si ammaan ah u daadgureeyaan rakaabka isla markaana ay hubiyaan badqabka darawallada kale.
Shirkadda MOJA Expressway ayaa darawallada kula talisay inay si taxaddar leh u maraan aagga uu shilka ka dhacay inta ay kooxaha shirkadda ka nadiifinayaan waddada. Shirkadda ayaa sidoo kale ku boorrisay darawallada inay la xiriiraan kooxda gurmadka MOJA Expressway iyagoo isticmalaayo lambarka 0111039888 haddii ay la kulmaan cilado farsamo inta ay ku socdaan waddada Nairobi Expressway.