Dowladda Canada ayaa xaqiijisay inay ka go’an tahay inay Kenya ka caawiso xoojinta kartida ciidamadeeda amniga tani oo looga gol-leeyahay inay si wax ku ool ah ula tacaalaan falal dambiyeedyada.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday sarkaalka Canada u qaabilsan xiriirka dhanka booliiska Magdala Turpin oo daahfuray tababarro la siinaya dambi baarayaasha waaxda DCI-da gaar ahaan qaybta cilmi baarista iyo sirdoonka.
Waxaa uu xusay in dowladda Canada oo ay matalaysa safaaradeeda ay ku leedahay magaalada Nairobi ay bixinaysa deeq lagu tababaraya ilaa 20 sarkaal.
Ciidamada ayaa qaadan doono tababar ku saabsan sirdoonka howlgallada.
Turpin ayaa saraakiisha la tababaraya ku boorriyay inay dhaqamada ugu wanaagsan ka bartaan tababarayaasha oo ayna u adeegsadaan gudashada waajibaadkooda shaqo.
Tababarkan ayaa imaanaya maalmo un ka dib markii ay qalin jabisay dufcad kale oo tababarkan oo kale ay siisay safaaradda Canada ee dalkani Kenya.
Agaasimaha qorsheynta ee waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da Baraza Walumoli ayaa qiray inay xirfad wanaagsan soo bandhigeen saraakiishii qaatay tababarkii hore.
Waxaa uu xusay in qiimeyn wanaagsan oo dhanka sirdoonka ah ay horseedday xallinta kiisas culus.
Mas’uulkan oo wakiil ka ahaa agaasimaha guud ee waaxda DCI-da Aamiin Maxamad ayaa xukuumadda Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau uga mahadceliyay taageerada amni ee ay dowladiisa siinaysa Kenya.
Dhanka kale Barnaamijka dowladda Maraykanka ee la dagaallanka argagixisada ee ATA ayaa billaabay inuu tababarro siiyo 24 sarkaal oo dhawaan loo shaqaaleysiiyay la dagaallanka argagixisada.
Mr .Baraza Walumoli ayaa sheegay in argagixisannimadu iyo xagjirnimada rabshadeysan ay yihiin khatarro caalami ah oo u baahan in la iska kaashado wax ka qabashadooda.
Agaasimaha Barnaamijka ATA ,Mr. Mike Solis ayaa dhankiisa sheegay in safaaradda Maraykanka ee magaalada Nairobi aynan keliya ka go’nayn inay Kenya ka taageerto dhanka qalabka balse sidoo kale xoojinta awoodaha lagula dagaallami karo argagixisannimada iyo iswaydaarsiga macluumaadka sirdoonka.
Ciidamada ayaa heli doono aqoon dheeraad oo ku saabsan maxkamadeynta shakhsiyaadka lala xiriiriyo argagixisannimada.




