Booliiska gobolka Banaadir ayaa maanta gacanta ku dhigay askari ka tirsan ciidanka dowladda oo lagu magacaabo Cadaawe Cabdi Cali (Cadaawe Jiib) oo dhawaan warbaahinta ka hanjabay.
Waxaa sarkaalkan soo xiray ciidanka booliiska gobolka Banaadir, gaar ahaan qaybta saldhigga degmada Deyniile.
Eedeysanaha ayaa horraan ka soo hormuuqday warbaahinta, isaga oo ku goodinaya dagaal iyo inuusan aqbaleyn amar burburin dhul oo ka fulay gudaha caasimadda.
Taliska booliska gobolka Benaadir ayaa sidoo kale ku eedeeyay askarigan ku lug lahaasho kicin bulsho, islamarkaana waxaa la horgeyn doona maxkamadda ciidamada ee awoodda leh kiiskan.