Adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa sheegay inuu ka war helay warar lagu faafiyay baraha ay bulshada ku wada xiriirto kuwaasi oo tilmaamaya in Sadaam Buke oo ka soo jeeda ismaamulka Isiolo la afduubtay.
Bayaanka NPS waxaa ku cad in shakhsigan iyo kuwo kale ay xabsiga ku jiraan.
Afhayeenka booliiska dalka Michael Muchiri ayaa xaqiijiyay in Sadaam Buke lagu xiray howlgalka amni ee loogu magacdaray Operation Ondoa Jangili, oo lagu bartilmaameedsanaya dambiilayaasha ismaamullada Marsabit iyo Isiolo.
Booliiska ayaa xusay in Buke looga shakisan yahay inuu yahay fududeeyaha iyo isku duwaha howlaha xoogagga xoreynta ee Oromada ee (OLA) ee gobolka.
Muchiri ayaa intaasi ku daray in Sadaam Buke iyo eedeysanayaasha kale lagu wado in maxkamadda la soo taago.
Waxaa uu shacabka u xaqiijiyay in laamaha ammaanka ay ka go’an tahay ilaalinta hal-beegyada dastuuriga ah ee xuquuqul aadanaha iyo xurriyadaha aasaaska ah.
Bayaanka booliiska ayaa yimid ka dib markii qaar ka mid ah kenyaanka iyo dadka u ololeeya arrimaha bulshada ay ku andacoodeen in shakhsiyaad aan haybtoodu la garan ay Buke ka afduubteen afaafka maqaaxida Royal Acacia Hotel ee ismaamulka Meru iyagoo ku qasbay inuu galo baabuur ka hor inta aan loo kaxeyn meel aan la garanayn.
Hasa ahaate, booliiska dalka ayaa sheegay in qofkan loo xiray qaab sharci ah.
Adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa maleeshiyaadka OLA ku eedeeyay in ay adeegsanaysa ehelladeeda ku kala sugan Kenya iyo Itoobiya si ay u sii wado gaysashada gaboodfallada.
3-dii bishan labaad ayay ahayd markii adeegga qaran ee booliiska uu billaabay howlgalka gaarka ah ee la sheegay in xubnaha OLA looga saaraya meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan ee ismaamullada Marsabit iyo Isiolo.