Waaxda qaran ee adeegga booliiska dalka NPS ayaa meesha ka saartay wararka sheegaya in qaar ka mid ah la dilay saraakiisheeda loo diray dalka Haiti.
Arrintan ayaa timid ka dib markii ay soo shaacbaxday in 7 sarkaal oo ka tirsan booliiska Kenya lagu dilay wadanka Haiti oo ay rabshaduhu saameeyeen.
Muuqaal si weyn baraha bulshada lagu faafiyay dhammaadkii toddobaadkii hore ayaa muujinayay toogasho loo gaystay qaar ka mid ah ciidamada booliiska Kenya oo gaaf wareegayay waddo ku taalla magaalada Port-au-Prince ee caasimadda dalka Haiti.
Hasa ahaate, waxaa arrintaasi waxbo kama jiraan ku tilmaamay adeegga qaran booliiska dalka ee NPS.
Booliiska ayaa dhanka kale wax xog ah ka bixinin howlgalka iyo xaaladda ciidamada Kenya ee ku sugan dalka Haiti.
Dhawaan ayay ahayd markii 400 oo ka mid ah ciidamada booliiska ee Kenya ay gaareen dalka Haiti.
Bishii Toddobaad ee sanadkii hore ayay ahayd markii ay Kenya sheegtay in ay diyaar u tahay in 1,000 ka mid ah saraakiisheeda ammaanka ay gayso Haiti oo ay hoggaamiso howlgalka nabad-sugidda ee dalkaasi.