Adeegga Booliska Qaranka Kenya ayaa xoojiyay diyaar-garowga doorashada guud ee 2027, iyadoo la isugu keenay taliyeyaasha sare si ay dib ugu eegaan qorshayaasha amniga una xoojiyaan tallaabooyinka lagaga hortagayo khataraha ka dhalan kara doorashada, oo ay ku jiraan dibadbaxyo isu beddeli kara rabshado.
Shirka oo uu isugu yeeray Taliyaha Guud ee Booliska, Douglas Kanja, ayaa ka dhacay Akadeemiyadda Hoggaanka Booliska Qaranka ee Ngong. Waxaa ka qaybgalaya taliyeyaasha gobollada iyo kuwa hoggaamiya cutubyada kala duwan ee booliska.
Shirka oo soconaya dhowr maalmood ayaa diiradda lagu saarayaa caqabadaha amni ee soo baxaya, jadwalka hawlgallada doorashada iyo waajibaadka taliyeyaasha heer gobol iyo saldhigyo boolis.
Ujeeddadu waa in la xoojiyo wada-shaqaynta cutubyada booliska iyo in ciidamada loo diro goobaha loo baahan yahay iyadoo lagu salaynayo xogta sirdoonka, ka hor inta aan la gaarin xilliga doorashada.
Diyaar-garowgan ayaa ku soo beegmaya xilli Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha (IEBC) uu dardar gelinayo dadaallada lagu aqoonsanayo laguna yaraynayo khataraha dhaawici kara kalsoonida dadweynaha ee doorashada iyo qabsoomiddeeda nabadeed.
Intii lagu jiray madal qaran oo looga hadlayay amniga doorashada bishii Sebtembar, Kanja ayaa sheegay in boolisku ay ka go’an tahay inay la shaqeeyaan guddiga doorashada iyo hay’adaha kale si loo ilaaliyo hannaanka doorashada.
Taliyaha guud ayaa tilmaamay in wada-shaqaynta hay’adaha kala duwan, isku-duwidda taliska, maaraynta kala dambaynta dadweynaha, dhowrista xuquuqda aadanaha iyo isgaarsiinta qorshaysan ay yihiin arrimaha mudnaanta u leh booliska.
Boolisku waxay sidoo kale diyaarinayaan qorshayaal lagu hagayo dirista ciidamada iyo isgaarsiinta ka hor doorashada, inta ay socoto iyo kaddib.
Diyaar-garowga waxaa ka mid ah tababarro gaar ah oo loo qabanayo saraakiisha, ilaalinta shaqaalaha doorashada iyo kaabayaasha la xiriira, iyo wada-shaqaynta hay’adaha kale ee amniga si si degdeg ah looga jawaabo khataraha soo baxa.
Home Wararka Kenya Taliyeyaasha booliska oo Nairobi ku shiray si ay u qorsheeyaan amniga doorashada...




