Baarlamaanka oo dalbaday in madaxtooyada ay ka jawaabto caqabadaha maaliyadeed ee xafiiska Uhuru

0
403

Xildhibaannada baarlamaanka ayaa u yeeray mas’uuliyiinta aqalka madaxtooyada ee State House si ay u sharraxaan sababaha keenay in xafiiska madaxweynihii hore ee wadanka Uhuru Kenyatta uu wajahaya caqabado maaliyadeed.
Shalay ayay ahayd markii agaasimaha isgaarsiinta ee xafiiskan Kanze Dena ay sheegtay in ay heleen ku dhawaad 30 milyan oo shilin in kastoo loo qoondeeyay ilaa 655 milyan.
Guddoomiyaha guddiga baarlamaanka u qaabilsan dhaqangelinta dastuurka Raphael Wanjala ayaa maanta amray in warqad loo qoro maareeyaha madaxtooyada Katoo Ole Metito si uu guddigan uga soo hormuuqdo.
Waxaa uu Wanjala sheegay in hadalkii Kanze Dena uu yahay mid walaac laga muujiyo oo aynan marnaba oggolaan doonin in xafiiska madaxweynihii afaraad ee dalka uu muujiyo cabasho maaliyadeed iyadoo uu baarlamaanka miisaaniyad u qoondeeyo.
Hasa ahaate weli ma cadda taariikhda uu maareeyaha State House baarlamaanka hor tagi doono .