DHEGEYSO:Hawlgal ka dhan ah burcadda oo laga wado Gobolka Rift Valley

0
350

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ayaa lagu wadaa in ay furaan wadooyinka ku yaala keymaha Mukogodo ee ismaamulka Laikipia, taasi oo qeyb ka ah howlgalo ay wadaan hay’ado badan oo looga dan leeyahay in lagu sifeeyo burcadda kaymaha u isticmaalayaa in ay weeraro ka geystaan dooxada Kerio.
Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga dalka Kipchumba Murkomen ayaa xaqiijiyay in ay dowlada ka go’an tahay soo celinta amaanka goobaha ay burcadda saameeyeen.